Miniyaabolis
From Wikipedia, the free encyclopedia
Minneapolis, Mineyaabolis ( i/ niˈæpəlɪs/ ), sida saxda ah loo yaqaano Caasimada Minneapolis waa xarunta Hennepin County, mid ka mid ah Magaalooyinka Mataanaha iyo mida 14aad ee shabakada magaalooyinka waaweyn ee wadanka Maraykanka, midaasi ooy ku nool yihiin dad ka badan 3.8 milyan. Sanadkii 2014ka waxaa magaalada Minneapolis lagu magacaabay caasimada ugu weyn gobolka Minnesota, iyo mida 46aad eegu baaxada weyn wadanka Maraykanka; midaasi oo leh shacab dhan 407,207.
- Bogan waa mid ku saabsan magaalada Minneapolis, Minnesota wixii faahfaahin ah fiiri Minneapolis
Minneapolis, Minnesota | |
---|---|
Caasimada Minneapolis | |
Kas soo biloow kor ilaa midig: Downtown Minneapolis, TCF Bank Stadium, Tiyaatarka Guthrie, Biyaha Minnehaha Falls, iyo First Avenue nightclub | |
Nickname(s): "Caasimada Harooyinka", "Mill City", "Caasimadaha Mataanaha" (naanays la wadaagto Saint Paul, Minnesota), "Mini Apple" | |
Motto(s): En Avant (Af Faransiis: 'Horay u socod') | |
Wadanka | Maraykanka |
Deegaanka | Minnesota |
County | Hennepin |
La bilaabay | 1867 |
Founded by | John H. Stevens iyo Franklin Steele |
Named for | Ereyga ka yimid Dakota mni micnaheedu yahay biyo oo lagu daray erey Giriig ah polis oo micnaheedu yahay caasimad |
Dowlada | |
• Nuuca | Golaha Duqa-magaalada |
• Body | Golaha Caasimada Minneapolis |
• Duqa-magaalada | Betsy Hodges (Xisbiga Dimuqraadiga Beeroleyda Minnesota) |
Area | 151.3 km2 (58.4 sq mi) |
• Land | 142.2 km2 (54.9 sq mi) |
• Water | 9.1 km2 (3.5 sq mi) |
Joogga | 264 m (830 ft) |
Tirada dadka | |
• Caasimad | 382,578 |
• Estimate (2013[2]) | 400,070 |
• Rank | US: 46aad |
• Cufnaanta dadka | 2,813/km2 (7,287/sq mi) |
• Metro | 3,459,146 (US: 16aad) |
• Nidaamka | Minneapolitan |
Aag saacadeed | UTC-6 (CST) |
• Xagaa (DST) | UTC-5 (CDT) |
ZIP Kodhyada | 55401 – 55488 (meelaha qaar waxay leeyihiin zip code ka duwan kuwa kale) |
Furaha | 612 |
FIPS code | 27-43000 |
Diiwaanka GNIS | 0655030[3] |
Website | www.MinneapolisMN.gov |
Minneapolis waxay dul taala gebiyada Webiga Mississipi, waxayna dhinaca ku heysaa magaalo madaxda gobolka ee Saint Paul. Magaaladani waxay qani ku tahay biyoha ayadoo leh harooyin badan oo ku wareegsan, webi iyo biyo dhacyo badan. Waxay sidoo kale ahaan jirtey caasimada soo saarista daqiiqda iyo burka, iyo alwaaxa. Maantana waxay tahay xarun ganacsi oo u dhexeeya Chicago iyo Seattle, ayada oo xarun u ah qaar badan oo ka mid ah shirkadha ugu waaweyn wadanka Marayknaka ee loo yaqaano Fortune 500.
Dhinaca kale, caasimada Minneapolis iyo nawaaxigeedu waxeey hooy u tahay Soomaalida ugu badan ee ku dhaqan guud ahaan wadanka Maraykanka iyo qaarada Waqooyiga Amerika ooy ka mid tahay wadanka Kanada. Hennepin County oo kali ah ayaa waxa degan ilaa 45,500 oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku dhaqan darajooyin kala duwan ee nolosha Minneapolis. Tusaale ahaan, xaafada koonfurta Minneapolis iyo Cedar waxaa si khaas ah u degan Soomaali, waxaanad wadooyinka xaafadaas ku arki kartaa Soomaali tuban ama ku caweeynaya agagaarka xaafadahooda. Sidoo kale masaajido badan iyo suuqyo balbalaadhan ayaa meelo badan ugu yaala Soomaalida magaaladaas. Xildhibaano, saraakiil, askar iyo shaqaale dowlo oo kala duwan ayay Soomaalidu ka qabatey magaalada Minneapolis iyo nawaaxigeeda. Sidoo kale, sanadkii 2014 waxaa dhowr nin oo Soomaalida Maraykanka isku soo sharaxeen doorashooyin ka dhacayay gobolka Minnesota kuwaasi qaar ka mid ahi ku guuleysteen jagooyin aad u sareeya.
In kastoo magaaladu aad u balaadhan tahay oo dhismoyaal bilicsan leedahay, hadana farasmagaalaha loo yaqaano downtown ayaa ugu dhismeyaal waawayn, halkaasi oo xarun u ah dhamaan shirkadaha ganacsiga, xafiisyada dowlada iyo dhamaan xarumaha ugu muhiimsan ee magaalada. Waxa intaas soo raaca waa xaafada galbeedka magaalada ee lagu magacaabo Uptown, halkaasi oo xarun u ah meherado iyo goobo ganacsi oo badan.
Guud ahaan magaalada Minneapolis waxay leedahay jawi cimilo oo aad u kala duwan wakhtiga sanadka. Bisha tobanaad ilaa tan kow-iyo-tobanaad waxaa magaaladu u diyaar garoowdaa qaboowga daran ee jiilaalka kaasi oo wata baraf aad u badan mararka qaar dadka ku khasba ineey guryahooda joogaan maalmo badan. Wakhti qaboobaha oo u badan baraf iyo dabayl xoogan waxay soo gaadhaa ilaa bisha shanaad sanad kasta, wakhtigaasi oo roobka gu'gu curto isla markaana nadiifiyo barafka hadheeyay dhulka. Bisha lixaad ilaa tan sagaalaad magaalada Minneapolis waxaa lagu yaqaanaa cimilo aad u kulul oo goorta ay ugu sareeyso gaadha ilaa 96° F (u dhiganta ilaa 35° C). Bilaha todobaad iyo sideedaad ayaa ugu kulul sanadka, halka koowaad iyo labaad ay ugu qaboow yihiin.
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro Minneapolis. |