Chicago
From Wikipedia, the free encyclopedia
Chicago, Shikaago, Jikaago (loogu dhawaaqo i/ kɑːɡoʊ/ ama / kɔːɡoʊ/ ) waa caasimada sadexaad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanka. Magaalda Jikaago waa deegaanka ugu dadka badan gobolka Illinois iyo deegaanka "Midwest", taas oo leh shacab dhan 2.7 milyan.[4]
Shikaago, Illinois | |
---|---|
Caasimada Chicago | |
Ka soo biloow kor: Farasmagaalka Jikaago, Shaleemada Magaalada, Dhismaha "L", Xarunta Badmaaxa, Beerta Millennium, Goob Taariikheed, iyo dhismaha dheer ee Willis Tower. | |
Etymology: Template:Lang-mia ("basasha duurjoogta" ama "toonta duurjoogta") Template:Lang-pot | |
Nickname(s): Caasimadii Dabeysha, Chi-Town, "Caasimadii Labaad", Caasimadii Garboweyn (si aad u ogaato waxbadan fiiri dhamaan naaneysaha) | |
Motto(s): | |
Deegaan | United States of America |
Gobolka | Illinois |
Tirada Countyada | Cook County iyo DuPage County |
La degay | 1780 |
Nidaam dowlad-hoose (magaalo) | Agosto 12, 1833 |
Nidaam Degmo weyne (caasimad) | Maarso 4, 1837 |
Named for | shikaakwa, jikaakwa (basashi duurjooga iyo toontii duurjooga) |
Dowlada | |
• Nuuca | Golaha Duqa-Magaalada |
• Body | Dowlada Hoose ee Shikaago |
• Duqa-magaalada | Rahm Emanuel (xisbiga Dimuqraadiga) |
• Xoghayaha Caasimada | Susana A. Mendoza ([Xisbiga Dimuqraadiga) |
• Agaasimaha Caasimada | Kurt Summers Jr. (Xisbiga Dimuqraadiga) |
Area | 234.0 sq mi (606 km2) |
• Land | 227.2 sq mi (588 km2) |
• Water | 6.9 sq mi (18 km2) 3.0% |
• Urban | 2,122.8 sq mi (5,498 km2) |
• Metro | 10,874 sq mi (28,160 km2) |
Joogga [1](mean) | 594 ft (181 m) |
Highest elevation – u dhow gasiirada Blue | 672 ft (205 m) |
Lowest elevation – ku taal harta Michigan | 578 ft (176 m) |
Tirada dadka | |
• Caasimad | 2,695,598 |
• Estimate (Luuliyo 1, 2014[3]) | 2,722,389 |
• Rank | Caasimada 3aad ee ugu dadka badan Maraykanka |
• Cufnaanta dadka | 11,864.4/sq mi (4,447.4/km2) |
• Metro | 9,522,434 (3aad) |
Magac kale | Chicagoan |
Aag saacadeed | UTC-6 (Wakhtiga Badhtamaha Maraykanka) |
• Xagaa (DST) | UTC-5 (CDT) |
laga hormariyo ZIP Kodhka | 606xx, 607xx, 608xx |
Area codes | 312/872 iyo 773/872 |
FIPS code | 17 |
Muuqaalka GNIS | GNIS4-0428803 |
Website | www.cityofchicago.org |
Dhinaca kale, marka la isku daro magaalada Chicago iyo nawaaxigeeda, taasi oo loo yaqaano "Chicagoland", waa deegaanka sadexaad ee ugu wayn wadanka Maraykanka, waxaana degan dad ka badan 10 milyan. Shikaago waxaa la aasaasay sanadkii 1837kii, laakiin waxay aad u kortay horaantii qarnigii 19aad. Horumarka iyo koritaanka magaalada waxaa aad uga qeyb qaatey harta Great Lake iyo webiga Mississipi. Shikaago waa fadhiga dowlada "Cook County" ee ugu weyn gobolka Illinois..[5][6]
Maanta magaalada Shikaago waa xarun weyn oo ganacsi, dhaqaale, warshado, shirkado, teknoolojiyad, isgaadhsiin, iyo gaadiid; waxayna leedahay Gegada diyaaradaha O'Hare ee caalamiga ah (" O'Hare International Airport")[7] kaasi oo ah gegada diyaarada ugu weyn ee caalamka oo dhan. Sidoo kale, caasimada Shikaago waxaa ku yaala wadooyinka (highways) iyo wado-tareenka (railroads) ugu waaweyn wadanka Maraykanka. Sanadkiii 2014ka waxaa loo aqoonsaday magaaladan ineey tahay caasimada 14aad[8] ee ugu weyn caalamka, tan 7aad ee ugu dhaqaalaha badan, iyo tan sadexaad ee ugu lacagta badan wadanka Maraykanka ayada oo heeysata ama maamusha lacag dhan 571 bilyan dollar.[9][10]
Intaas waxaa dheer in magaalada Shikaago tahay mid ka mida goobaha soo jiidasha badan ee wadanka Maraykanka; sanadkii 2014ka oo kali ah waxaa soo siyaartey magaaladan dad ka badan 50.2 milyan oo dad iskugu jira ajanabi iyo kuwa wadanka u dhashay. Sabata keentay dalxiisayaasha badan waxaa ka mid ah dhaqanka iyo bulsho weynta magaalada oo ah mid aad iskugu dhafan oo leh noocyo badan oo matala dhaqanada dunida daafaheeda. Waxyaabaha ugu xiisaha badan waxaa ka mid ah: shaneemooyinka waaweyn, heesaha Jazzka, Soulka iyo bluega. Waxaa sidoo kale magaadu caan ku tahay dadka Madoow (African American) ee ku dhaqan magaalada; kuwaasi oo ah tirada ugu badan shacabka Shikaago iyo nawaaxigeeda.[11]
Caasimada Shikaago waxay leedahay naaneyso badan ooy ka mid tahay "Caasimada Dabeysha" (sababtoo ah waxay leedahay dabeyl aad u badan oo gu' iyo jiilaal soo taagan), "Caasimada Labaad" iyo naaneyso kale oo la xidhidha dhaqanka iyo taariikhda deegaanka.