Bir
From Wikipedia, the free encyclopedia
Bir (Metal) waa shey adke ah (curiye, Isku dhis iyo Jaandi) taas oo iftiimaysa, jidh adag leh, isla markaana aad ugu wanaagsan gudbinta dabka iyo kulka. Birtu waa curiye kimiko kuwaas oo leh calaamado iyo astaamo ka duwan kuwa Bir Ma ahe iyo Bir La Moodkaba.
Birtu waa shey marka la garaaco la qaloocin karo ayadoon kala jabayn, la dhalaalin karo, isla markaana la dhuubi karo ama wax dhuuban laga dhigi karo. 91 curiye oo ka mid ah 118da curiye ee jadwalka Diwaanka Curiye waa bir. 27ka kale ayaa u kala baxa neef, bir ma ahe, bir la mood iyo qeybaha kale ee Diwaanka Curiye.
Si ka duwan cilmiga Kemisteriga, micnaha ereyga bir waa ku kala duwan yahay qeybaha aqoonta. Tusaale ahaan, aqoonyahana xidigaha ee Cilmi Falagu waxay ereyga bir u isticmaalaan dhammaan curiyayaasha marka laga reebo Haydarojiin (H) iyo Hiliyaamta (He) kuwaas oo ah walxaha ugu badan Xidigaha muuqda ee Koonka. Dhinaca kale, curiyeyaal badan iyo isku dhisyo badan ayaa noqda bir marka kuleyl badan lagu shido, kuwaas waxaa loo yaqaanaa Sheyada Birta ee ka Samaysmay Bir Ma ahe.
Magaca | Sawir | |
---|---|---|
Titaaniyaam | ||
Aayron | ||
Naxaas | ||
Sinki | ||
Dahab | ||
Alumiiniyaam | ||
Nikel | ||
Iskaandhiyaam | ||
Kobalti | ||
Roodhiyaam | ||
Manganiis | ||
Gaaliyaam | ||
Tin |