Hiliyaam
From Wikipedia, the free encyclopedia
Hiliyaam (Ingiriis: Helium) calaamad He waa curiye kimiko ah oo tiroda atomkiisu tahay labo. Hiliyaam waa Neef bilaa ur, dhadhan iyo midab ah isla markaana wuxuu ka mid tahay neefaha aan sunta ahayn. Curiyahan oo safka hore kaga jira Diwaanka Curiye ayaa leh barta ugu hooseeysa ee kululeeynta iyo dhalaalinta curiye.
Hiliyaam waa curiyaha labaad ee ugu fudud hawoda isla markaana ugu badan Koonka, waxa ka horeeya Haydarojiin oo kaliya.
Hiliyaamta waxa la bartey Qorax Madoowaadkii sanadkii 1868 waxaana helay aqoonyahan Cilmi Fallag Faransiis ahaa oo lagu magacaabi jirey Jules Janssen.