Badweynta Arktik
From Wikipedia, the free encyclopedia
Badweynta Aktik, Badweynta Waqooyi (Af Ingiriis : Arctic Ocean; Af Carabi : arā) waa badweyn dhacda waaxda waqooyi ee Aduunka taasi oo ku wareegsan gobolka Arktik iyo deegaanada Cidhifka Waqooyi. Sidoo kale badani waa tan ugu yar dhammaan shanta badweyn ee aduunka.
- Kani waa maqaal ku saabsan badweynta Arktik. Sidoo kale fiiri 5ta badweyn
- Boga "Bada Arktik" iyo "Bada Waqooyi" halkan aya laga soo toosiyay.
| ||||
Maabka badaha ugu waaweyn aduunka: Badweynta Atlantik, Badweynta Baasifik, Badweynta Arktik, Badweynta Hindiya, Badweynta Koonfured iyo muuqaalka badaha aduunka ee dhulka. | ||||
Shanta Badweyn ee Aduunka |
Maadama juquraafi ahaan badani dhacdo gobolka ugu xiga Waqooyiga Dhulka waxay caan ku tahay biyo baraf ah inta ugu badan wakhtiga sanadka.[1] Sidoo kale, marka la barbardhigo badweynta (sida Atlantik iyo Baasifik) xajmiga iyo baaxada Bada Waqooyi waa mid aad u yar oo lagu tirin karo badaha yaryar (sea), laakiin sidaas ay tahay Ururka Juquraafiga Biyaha Caalamka (International Hydrographic Organization "IHO") wuxuu u aqoonsaday badweyn.[2][3] Muuqalka aduunka marka cirka la joogo waxaa si fiican loo arki karaa badani oo in badan cadaan ah sababtoo ah waa baraf inta ugu badan sanadka.
Si kastaba ha ahaatee, Bada Waqooyi waxaa ku wareegsan Waqooyiga qaarada Aasiya (inta ugu badan wadanka Ruushka), Yurub iyo Waqooyiga Ameerika (wadanka Kanada iyo Gobolka Alaska ee Maraykanka). Tan iyo inta taariikhda lagu hayo biyaha Bada Arktik waxay ahaan jirtey biyo baraf ah, marka laga reebo xiliga gu'ga oo waxyar biyuhu diiri jireen. Sanadahan dambe waxaa isbedel weyn ku yimid heerkulkii lagu yaqaanay biyahan sababo la xidiidha cimilada sii kululaanaysa.[4]
Guud ahaan Badweynta Arktik waxay leedahay biyo aad u badan oo saafi ah, si ka duwan biyaha badaha kale ee dhanaanka ah waxay bada ku jira biyo nadiif ah oo baraf ah.