Wabiga Niil
From Wikipedia, the free encyclopedia
Wabiga Niil waa wabiga ugu dheer caalamka waxoona dhaxmaraa qaarada Afrika. Wabigaan Dhirirkiisa waxoo gaaraa ilaa 6,650 km,waxa uu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah niilka buluuga ah iyo niilka cad. niilka cadi waxa uu kasoo bilaabmaa halka looyaqaano harooyinka waawayn oo ah badhtamaha Afrika halka ugu fog ee wabigani uu kasoo bilaabmaa waa wadanka Ruwanda waxa ay kayimaadaan biyaha soraca wabiga niilka cadi wadanka gaar ahaan harada wayn ee Harta Fiktooriya waxa uu soomaraa wadmada Yugandha. koonfurta Suudaan. halka niilka buluuga ahi uu kasoo bilaabmo harada Taana ee wadanka Itoobiya waxa uu soo gaadhaa wadanka Suudaan waxa ay ku kulmaan labada wabi meel u dhaw caasimada wadanka Suudaan ee Khartuum. waxa uu wabigani isaga gudbaa dsagaal dawladood oo kuyaala qaarada Afrika[3]
Wabiga | |
Niil | |
Meelha ay biyuhu ku uruuraan | |
Countries | Itoobiya, Suudaan, Masar, Ugaandha, Jamhuuriyada Dimuqaraadiga Kongo, Kiinya, Tansaaniya, Ruwanda, Burundi, Koonfur Suudaan |
---|---|
Magaalooyin | Jinja, Juba, Khartoum, Qaahira |
Halka uu ka yimaado | Niilka Cad |
- elevation | 2,700 m (8,858 ft) |
- coordinates | 02°16′56″S 029°19′53″E |
Barta labaad imaansha | Niilka Buluuga |
- location | Lake Tana, Ethiopia |
- coordinates | 12°02′09″N 037°15′53″E |
Bar kulan | ku dhow Khartoum |
Afka | |
- location | Badda cad ee miditereniyan |
- elevation | 0 m (0 ft) |
- coordinates | 30°10′N 031°06′E [1] |
Length | 6,650 km (4,132 mi) |
Ballac | 2.8 km (2 mi) |
Biyogaleen | 3,400,000 km2 (1,312,747 sq mi) |
Dhamaadka | |
- iskucelcelis | 2,830 m3/s (99,941 cu ft/s) |
[2] | |