Siin (guur)
From Wikipedia, the free encyclopedia
Siintu waa xaflada iyo damaashaadka ku xiga doonista guurka. Siintu waa marka gabadha la bixiyo ee loo ogolaado wiilka soo doontey inuu guursado. Dhinaca kale, guurku waa midowga lamaane si u sii wadaan jiritaanka aadamaha. Guurku wuxuu ahaa mid soo jireen ah tan ilaa wakhtiyadii ugu horeeyay ilbaxnimada dadka. Dunida maanta waxaa ka jira nidaamyo iyo caadoyin badan kuwaasi oo ku salaysan dhaqanka, dhaqaalaha, wadanada, diinta iyo nolosha.
Aroosyada badankooda waa dhacdooyin farxad leh. Kuwa isqaba waa inay guurkooda si sharci ah u diiwaangeliyaan.