Guur
From Wikipedia, the free encyclopedia
Guur (Af Ingiriis : marriage; Af Carabi : ar) waa dhacdo ay ku midoobaan labo qof (inta ugu badan ninka iyo naagta) kuwaasi oo hadafkoodu yahay in nolol wadaagaan, tafiirmaan, iyo iska caawiyaan waayaha nolosha. Waa dad kadhaxeeyo isla shaqeen, dhaqaale iyo jaceel. Soomaalida marka ee is guursanaayaan waxaa loo qabtaa buraanbur iyo cayaar. Guurka waa maalin farxad leh, qof walba neh inta oo noolyahay mar uu guursanaa, guurka sidiisa ba waa nolosha biniaadanka.
Dhinaca kale, guurku waa midowga lamaane si u sii wadaan jiritaanka aadamaha. Guurku wuxuu ahaa mid soo jireen ah tan ilaa wakhtiyadii ugu horeeyay ilbaxnimada dadka. Dunida maanta waxaa ka jira nidaamyo iyo caadoyin badan kuwaasi oo ku salaysan dhaqanka, dhaqaalaha, wadanada, diinta iyo nolosha.
Guurka Ilaahay baa asaasay. Kuwa isqaba waa inay guurkooda si sharci ah u diiwaangeliyaan. Sinada waa dembi. Ninku waa madaxa reerka. Ninku waa inuu reerkiisa hoggaamiyo. Ninku waa inuu naagtiisa jeclaado. Ninku ma ahan inuu naagtiisa xumeeyo. Ninku waa inuu reerkiisa masruufo. Naagtu waa inay ninkeeda ixtiraamto. Sinaysiga qofka xaaska ah waa wax xun. Ninka hal naag keliya buu qabi karaa, naagtuna hal nin keliya bay qabi kartaa. Ilaahay wuu necebyahay furitaan khiyaamo lagu sameeyay. Wuu la xisaabtami doonaa kuwa xaaskooda si fudud oo sabab laʼaan ah uga taga oo weliba niyeysto inay mid kale guursadaan.