Qaxooti
From Wikipedia, the free encyclopedia
Qaxooti (Af Ingiriis : refugee; Af Carabi : arā) si ka duwan muhaajirka, waa qof, dad ama in badan oo dad ah (sida qabiil ama beel) kuwaasi oo dagaal, colaad, masiibo iyo dhibaato ka soo saarto wadankooda iyo deegaanada ay u dhasheen. Sida ku xusan heshiiska caalamiga ah ee "Geneva Convention on Refugees", qoxootigu waa qof ama dad lagu khasbay ineey ka cararaan dhulkooda si ay uga badbaadaan dhimasho, ciqaab, jidhdil, kufsi, adoonsi iyo dhamaan noocyada waxyeelada keeni karta ciqaabta iyo cabsida.[1][2]
- Kani waa maqaal ku saabsan dadka qaxaya. Maqaalo kale fiiri Muhaajir
Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee Qaramada Midoobay waxaa qoxooti loo aqoonsan karaa qofka dhibaato la soo gaadhsiinayo naftiisa, caqligiisa, xoriyadiisa, noloshiisa iyo jiritaankiisa sababo la xidhiidha diinta qofkaasi caabudo, qolada uu ka dhashay, wadanka u dhashay, xubinimada koox ama guruub khaas ah, ama fikirka siyaasadeed ee u aaminsan yahay. Sidoo kale waa in qofkaasi aanu heli karin meel uu kaga badbaado dhibaatadaasi, iyo cid difaaci karta hadii la soo weeraro.[3]
Intaasi waxaa dheer qofka qoxooti loo aqoonsanayo waa in aanu jirin wadan kale oo si nabad ah ugu noolaan karo si uu uga badbaado dhibaatada; iyo in uusan wadan kale ka codsan magangelyo.[4]
Dadka qaar ay qabsato mid ka mid ah shanta qodob ee kor ku xusnay kuwaasi oo ka cararaya dhibaato iyo waxyeelo ayaa waxay u hijroodaan wadano kale oo qurbaha ah si ay nabadgelyo iyo amni u helaan. Shakhsiyaadka noocan ah waxay codsan karaan magangelyo, laakiin looma aqoonsanayo qoxooti ilaa looga ogolaado magan gelyada.
Qeexitaan cusub oo Jimciyada Quruumaha ka Dhaxaysa soo saartey dhowaan waxay ku sheegtay in qoxootinimo loo aqoonsado caruurta waalidkood qoxooti ahaayeen goortii ay dhaleen ilmahaasi. Intaas waxaa raacsan in bulshooyinka wadanada qaar sida Falastiin iyo qoxootiga Sahrawi loo aqoonsanaado qoxooti jiilba jiil maadaama wadanadoodu xaalad adag ku jireen kalabadh qarnigii la soo dhaafay. Cid kale oo loo ogolyahay ineey qoxootinimada iska dhaxlaan ma jirto ilaa hada.
Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 2014ka shacabka ka soo qaxay wadanka Suuriya iyo Afgaanistan ayaa ugu badnaa qoxootiga caalamka.[5] Sidoo kale bisha Febraayo 2015 wadanka Turkiga ayaa noqday midka haya qoxootiga ugu badan dhamaan wadanada caalamka, waxaana jooga 1.7 milyan qoxooti Suuriyaan ah, halka wada ka Lubnaan iyo Jordan ay hayaan tiro aad u badan oo ku dhow kan Turkiga.[5][6][7][8]
Sidoo kale, wadanka Bakistaan ayaa noqonaya midka labaad ee haya qoxooti badan kuwaasi oo dhan 1.6 milyan qaxoori reer Afgaanistaan ah.[9]
Sida ay sheegtay hay'ada qoxootiga caalamka ee loo soo gaabiyo magaceeda UNHCR waxaa jira tiro u dhaxaysa 200,000 ilaa 500,000 qoxooti Rohingya ah kuwaasi oo ku nool wadanka Bangladesh, waxaana diiwaan gashay kaliya 32,355 oo ka mid ah dadkaasi.[10]