Orlando, Florida
From Wikipedia, the free encyclopedia
Orlando (
/
ændoʊ/
) waa caasimad ku taala gobolka Florida, ee wadanka Maraykanka; iyo fadhiga dowladad Degmada Orange.
Caasimada Orlando waxay dhacdaa badhtamaha gobolka Florida taasi oo u suurtogelisay ineey noqoto meel aad u bulsho badan. Sida lagu sheegay tirokoob dowlada dhexe Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka waxaa deegaanka Orlando Metropolitan ku dhaqnaa shacab tiradoodu dhan tahay 2,134,411 qof; taasi oo ka dhigeysa deegaanka 26aad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanka, mida lixaad ee ugu weyn Koonfurta Maraykanka, iyo caasimada 77aad ee ugu balaadhan wadanka, iyo tan shanaad ee ugu weyn gobolka Florida iyo caasimada ugu weyn ee ka fog xeebaha gobolka Florida.
- Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Orlando, Florida, Maraykanka.
- Boga "Orlando" waxaa laga soo toosiyay halkan.
Orlando, Florida | |
---|---|
Caasimada Orlando | |
Nickname(s): | |
Wadanka | United States |
Gobol | Florida |
Degmo | Orange |
La degay | Luuliyo 31, 1875 |
Dowlad Hoose | 1885 |
Dowlada | |
• Nuuca | Golaha Duqa Magaalada |
• Duqa-magaalada | Buddy Dyer (D) |
Area | 110.7 sq mi (287 km2) |
• Land | 102.4 sq mi (265 km2) |
• Water | 8.3 sq mi (21 km2) |
• Urban | 652.64 sq mi (1,690.3 km2) |
Joogga | 82 ft (25 m) |
Tirada dadka | |
• Dhamaan | 238,300 |
• Estimate (2013) | 255,483 |
• Rank | 77aad, U.S. |
• Cufnaanta dadka | 2,327.3/sq mi (898.6/km2) |
• Urban | 1,510,516 (32aad, U.S.) |
• Metro | 2,267,846 (26aad, U.S.) |
• CSA | 2,975,658 (17aad, U.S.) |
Magac kale | Orlandoan |
Aag saacadeed | UTC-5 (Wakhtiga Bari (EST)) |
• Xagaa (DST) | UTC-4 (EDT) |
ZIP kode | 32801–32899 |
Furaha | Area kode 321, 407 |
FIPS Kode | 12-53000 |
Astaanta GNIS | 0288240 |
Website | www.cityoforlando.net |
Caasimada Orlando waxaa lagu naaneysaa "Caasimada Quruxda" waxaana astaan u ah Harta Eola. Sidoo kale waxaa lagu magacaabaa "Caasimada Beeraha Damaashaadka Caalamka", waxaana sanadkii 2014ka oo kali ah soo siyaartey tiro dalxiisayaal ah oo gaadhaya 62 milyan.[10]
Gegada diyaaradaha Caalamiga Orlando (MCO) waa midka sadexiyotobanaad ee ugu mashquulka badan wadanka Maraykanka iyo midka sagaal-iyo-labaatanaad ee ugu shaqada badan caalamka.[11]
Sanadkii 2009 caasimada Orlando waxay noqotey magaalada ugu dalxiiska badan wadanka Maraykanka,[12] taasi oo u noqotey lafdhabar dhaqaalaha koraya ee deegaanka. Meelaha aadka u soo jiitay indhaha dalxiisayaasha waxaa ka mid ah shaneemooyinka Walt Disney World Resort taasi oo leh deegaan balaadhan oo ku dhexyaala farasmagaalka Orlando. Jaamacada Orlando Resort oo la furay sanadkii 1999kii ayaa iyadna ka mid ah soo jiidashada dalxiiska.
Guud ahaan, si la mid ah dhamaan caasimadaha wadanka Maraykanka caasimada Orlando waxay aad u kortay badhtamihii qarnigii labaatanaad (qiyaastii 1980kii), wakhtigaasi oo la horumariyey goobaha waxbarashada, ganacsiga, wadooyinka tareenka iyo adeega bulshada. Sanadkii 2010ka waxaa caasimada Orlando loo aqoonsaday ineey tahay "Caasimad Caalami" ah.[13] Orlando waxaa lagu daraa afarta caasimadood ee ugu caansan Caasimadaha Maraykanka, taasi oo lagu saleeynayo nolosha dadka, dhaqaalaha iyo adeega bulshada ee dowlada deegaanka. Sidaasi waxaa lagu ogaaday cilmibaadhis ay sameeyeen urur madax banaan oo la yidhaahdo "Ururka Cilmibaadhista Bulshooyinka".[14]