Gitaar
From Wikipedia, the free encyclopedia
Gitaar (Af Ingiriis : Guitar; Af Carabi : arā) waa qalab ka samaysay alwaax iyo xodhko kaasi oo sameeya shanqad muusig ah. Giitaarka Waxaa loo isticmaala in lagu qurxiyo heesaha, gabayada, maahmaahda iyo wixii la mid ah.
- Kani waa maqaal ku saabsan gitaarka. Sidoo kale fiiri Kaban.
Nooca | Qalab xadhko leh |
---|---|
Shanqadha laxanka | 321.322 (Dhawaaqa xadhkaha) |
Heerka Codka Shanqadha | |
(laxanka caadiga ah ee gitaarka) | |
La xidhiidha | |
Gitaarka waxaa isticmaala kooxaha fanka iyo suugaanta, gaar ahaan waxaa loo garaacaa fanaaniinta. Inkasto gitaarka la isticmaalo Waxaa dhulka Soomaalida caan ku ah kabanka oo ah mid u sameeysan qaabka ubada (leh madax wareegsan iyo dabo dhuuban). Gitaarku wuxuu leeyahay 4 ilaa 16 xadhig midaasi oo ka duwan kabanka. Sidoo kale wuxuu leeyahay ugu yaraan hal dalool (qaarkood ilaa labo dalool) kuwaasi oo codka iyo shanqadhu ka soo baxdo.[1]
Dunida maanta giitaarku wuxuu caan ka yahay dhamaan caalamka. Intaas Waxaa dheer, Waxaa jira nooc ku shaqeeya korontada, kaasi oo leh shanqadh awiod badan oo ka dhawaaq dheer Giitaarka caadiga ah iyo kabanka.