Duurjoogta Soomaaliya
From Wikipedia, the free encyclopedia
Duurjoogta Soomaaliya (Af Ingiriis : wildlife of Somalia; Af Carabi : arā) waa dhamaan noolaha ku dhaqan deegaanada wadanka Soomaaliya, kuwaasi oo ka kooban dhir iyo xayawaan. Duurjoogta Soomaaliya waxay ka mid tahay kuwa ugu qanisan ee kala jaadka iyo noocyo badan leh taasi oo la xidhiidha Juqraafiga Soomaaliya, sida cimilada, degaanka iyo jawiga.
Intaas waxaa dheer, wadanka Soomaaliya waxay hooy u tahay tiro badan oo shimbiro kala nooc ah, kuwasi oo ku dhaqan xeebaha, buuraha iyo gayiga kala gedisan. Sida lagu sheegay tiro koob caalami ah, Soomaaliya waxaa ku nool ilaa 727 nooc oo shimbiro ah;[1] iyo wax ka badan 177 nooc oo xayawaan naasley ah. Yaxaaska ayaa caan ku ah koonfurta Soomaaliya. Sanadkii 2006dii waxaa tirokoob lagu ogaaday in Soomaaliya ugu yaxaas badan tahay qaarada Afrika.[2]
Guud ahaan, wadanka Soomaaliya waxaa laga helaa noocyo badan oo dhir ah; kuwaasi waxaa ka mid ah sogsogta, galoolka, qudhaca, baxarasaafka, dhirta khudaarta, dhirta midhaha iyo noocyo badan oo kale.[3] Intaas waxaa dheer oo wadanka Soomaaliya laga helaa noocyo badan oo xayawaan iyo xoolo ah; kuwasi waxaa ka mid ah shimbiraha, duurjoogta, xamaaratada, duurgaleenka iyo bahalo kale oo badan.
Nasiib daro, dagaalkii sokeeye wuxuu khasaare weyn u geeystay nolosha duurjoogta Soomaaliya. Waxaa dhintey tiro badan oo xayawaan iyo dhir leh, waxaa si khalad ah loo isticmaalay khayraadka duurjoogta ee wadanka, iyo tiro badan oo xayawaan u baxsatey deegaano ka baxsan wadanka.