Dawlada ayuubiyiinta
From Wikipedia, the free encyclopedia
Dawlada ayuubiyiinta (Af-Carabi: الدولة الأيوبية) waxay ahayd dawlad ka jirtay Masar, Shaam, Xijaaz iyo Yaman, waxaa aasaasay Salaaxudiin Al-Ayyuubi 1171, wuxuu ahaa Salaaxudiin mid hoos tagi jiray Nuurudiin Zanki, waxa uuna noqday waziirka Masar asigoo ku guuleestay inuu ku dhigo awooda oo idil gacantiisa kadibna meesha ka saaro Faadumiyiinta kuna fidiyo Masar madahbka Suniga ah [1].
Ayuubiyiinta الأيوبيون ئەیووبی Eyûbî |
||||
---|---|---|---|---|
Magaalo madax | ||||
Xukunka | dawlad ka hoos jirtay khilaafada cabaasiyiinta[2] | |||
Lacagta | Dinar, Dirham | |||
a
laan ka mid ah ayuubiyiinta ayaa xukumeesay xisni keyfaa. bTirada guud ee dadka ku noolaa dhulka Ayuubiyiinta si sax ah loo ma oga. Tirada dadka waxaa ku jira Masar shaam. dhulalka kale ee Ayuubiyiinta sida Xijaas, Yaman, Nuuba iyo Burqa kuma jiraan tirada |
markoo dhintay Nuurudiin Zanki wuxuu Salaaxudiin aaday Shaam wuxuuna ku daray dawladiisa, sidaas ayuu ku noqday suldaanka Shaam iyo Masar, Salaaxudiin ayaa caan ku ahaa jihaadka uu kula jiray kirishmiska iyo inuu xureeyay magaalooyin badan oo ugu muhiimsantay Qudus oo xureeyay kadib Dagaalkii Xudiin ee dhacay 1187, Salaaxudiin kadib wiilashiisa ayaa isku qabsadeen xilka balse Al-Caadil Abuu Bakar oo ahaa adeerkood ayaa xilka kala wareegay sanadkii 1200, waxa uuna sii waday ladagaalanka Saliibiyiinta, asna wiialshiisa ayuu u qeybiyay boqortooyada, waxaana ka dhex dhashay dagaalo sokeeya, Saliibiyiinta ayaa dagaalo isdaba joog ah soo qaadeen Al-Kaamil ayaa siiyay Qudus 1228, Saalax Ayuub ayaa fuulay xilka 1240 waxa uu ka soo ceshaday saliibiyiinta Qudus iyo meelo kale, ciidamo adooman ah ayuu aad u badsaday, 1249kii ayuu dhintay Saalax Ayuub waqti weerarkii todobaad ee saliibiyiinta uu socday, naagtiisa Shajaru Durri ayaa ka shaqeesay jabinta saliibiyiinta, Tooraan Shaah oo ah wiilka Saalax Ayuub ayaa xilka qabtay, hase yeeshee mamaaliikta ayaa dileen 2 may 1250 waxaa sidaas ku dhamaaday ayuubiyiinta Dawladii Mamaaliikta ayaana bilaabatay [3][4]