Boorama
Magaalo ku taala dalka Somaliland / From Wikipedia, the free encyclopedia
Boorama (Af Ingiriis : Borama Borame iyo Boorame) waa magaalo madaxda gobolka Awdal ee galbeed Somaliland, iyo fadhiga dowlada Degmada Boorama.
Borama Boorama بوراما | |||||
---|---|---|---|---|---|
Magaalada Boorama ee Dalka Somaliland | |||||
Coordinates: 9°56′9″N 43°11′3″E | |||||
Wadanka | Somaliland | ||||
Gobolka | Awdal | ||||
Degmada | Degmada Boorama | ||||
Dowlada | |||||
• Duqa | Suleymaan Xasan Haadi | ||||
Area | 14 km2 (5 sq mi) | ||||
Tirada dadka | |||||
• Estimate (2017)[1] | 320,616 | ||||
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) | ||||
Climate | BSh |
Boorama waxay u dhowdahay xadka Itoobiya iyo Jabuuti.[2] Magaaladan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 600,300 oo qof tirkoobki guud ee 2020. Boorama waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka Somaliland, waa dhulkii eey maamuli jireen saldanadii Adal. Deegaanka magaaladu ku taalo waa dhul sare oo buuroleey ah, midaasi oo ka dhigta qaboow wakhtiga jiilaalka.
Magaalada Boorama waa saldhiga waxbarashada dalka Somaliland, waxaa ku yaala dugsiyo, koolejyo iyo jaamacado badan; midaasi oo sababtay in Boorama loo bixiyo "hooyga waxbarashada shacabka Soomaaliyeed". Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud. Intaasi waxaa dheer in Borama tahay meeshii lagu aasaasay heshiisyadii beelaha waqooyiga Soomaaliya ka dib dagaaladii sokeeye ee 1991kii.[3]
Guud ahaan magaalada Borama waa mid jawi degan oo nabad iyo aqoon lagu yaqaano.[4]