Baabiyloon
From Wikipedia, the free encyclopedia
Baabiyloon
Baabiyloon Babylon/Bābil (Baabil) Βαβυλών/بابل | |
---|---|
muuqaalka hadhaaga burburkii
magaalada Baabiyloon. Qeyb yar Baabiyloon burbursan oo ku beegan deegaan Saddam Xusseen tegi jiray wakhtiga gu'ga. | |
Dalka | Ciraaq |
Deegaanka: | Hillaal |
Wakhtiga: | 1894 C.H (Ciise Hortii) ilaa 539 C.H |
Dowlada | |
• Dadkii dhisay: | Amorites |
Area | 9 km2 (3 sq mi) |
• Land | 9 km2 (3 sq mi) |
Tirada dadka L/Y (Lama Yaqaano) | |
• Dhammaan | L/Y (Lama Yaqaano) |
L/O (Lama Oga) | |
Aag saacadeed | UTC+2 (UTC) |
Baabiyloon (ingiriis: babylon; carabi: بابل; luuqada Akadhiga: Bābil; Luuqada Giriiga: Βαβυλών; luuqada Sumerianka: KÁ.DINGIR.RAKI;[1]; Luuqada Yuhuuda: בָּבֶל [1][1]) waxay ahayd magaalo-ismaamusha ooy lahaayeen dadka Akadhiyaka taasi oo la dhisay sanadkii 1894tii C.H. (Ciise Hortii), wakhti yar ka dibna noqotay magaalo-madaxda boqortooyadii Baabiylooniya.[2][3] Caasimada Baabiyloon waxaa dhisay qabiilka Amorite la odhan jirey ee Akaadhiyaanka ka tirsanaa kuwaas oo deegaan ku ahaa dhulkii loo yaqaanay Mesobotaamiya, taasi oo hadhaagii buruburkeeda laga helo maanta deegaanka Hillal ee ka tirsan wadanka Ciraaq, taasi oo 85 kilomitir (53 mile) u jirta koonfurta caasimada Baqdaad.[4]
Maanta hadhaaga burburka caasimada Baabiyloon waa jaajuur jajabay iyo raad ku hadhay deegaanada carada nafaqada leh ee u dhexaysay labada webi ee Tigris iyo Furaat[5] (Euphrates) ee deegaanka Mesobotaamiya. Magaaladan waxaa laga dhisey dhinacyada webiga Furaat. Inta la ogyahay taariikhda Baabiyloon waxay markii ugu horeeysay bilaabantey qarnigii 2aad C.H. (wakhti hada lagu qiyaaso 2,200 oo sano ka hor).[6] Magaaladan oo markii ay yarayd isku bedeshay maamul-magaalo ayaa waxay la kacday soo bixitaankii boqortooyadii dadka Amorite, taariikhdu markey ahayd 1894 C.H. isla markaana waxay suuqa kala baxday magaaladii wakhtigaas caasimada ahayd ee Akkadiyaanku maamuli jireen "Eridu".
Marka laga reebo in Baabiyloon ka mid tahay ilbaxnimoooyinkii ugu horeeyay ee dadka, magaaladan waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah beeraha laalaada kuwaas oo ka mid ahaa todobada layaab ee dunida.