Assur
From Wikipedia, the free encyclopedia
Assur (ingiriis: Assur, loo qoro Aššur) waa magaalomadaxdii boqortooyada Assiyriyaanka ee ka jirtey bariga dhexe wakhtiyadii hore.
Assur
Magaca boqortooyada Assiyriya wuxuu ka soo unkamey magaalada caasimada u ahayd ee la odhan jirey Aššur taasi oo lagu qiyaaso ineey dhisantay sanadkii 2600 C.H (Ciise Hortii), taasi oo maanta ku beegan waqooyiga gobolka Saladiin ee wadanka Ciraaq. Caasimada maamulka Assiyriya ee Aššur waxay markeedii hore ka mid ahayd boqortooyadii Akkadiyaanka ee ka talin jirey inta u badan deegaanada Mesobotaamiya.