Qajaar
From Wikipedia, the free encyclopedia
Qajaar (af-carabi:الخيار, af-ingiriis: Cucumber) waa geed jiif dhulka ku saaqa ka mida bahda bocorlayda, wuxuu fuulaa ama ku saaqaa geedaha kale iyo wax walboo taagan, waxay isku bah yihiin bocor cadaha iyo bocor guduudka,
Qajaar | |
---|---|
Cucumbers growing on vines | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Plantae |
(darajo la'aan): | Angiosperms |
(darajo la'aan): | Eudicots |
(darajo la'aan): | Rosids |
Dirka: | Cucurbitales |
Bahka: | Cucurbitaceae |
Duulka: | Cucumis |
Noocyada: | C. sativus |
Magaca laba-geesoodka ah | |
Cucumis sativus L. |
dhulka ayaa lagu beeraa qoto dheer 12-18 mili mitir, ka dib kor buu u soo baxaa asagoo ku saaqa kuna baxa wax walboo ka hor yimaada, beeraleyda ayaa u sameeya tiirar ay ku baxdo badanaa, ama waxa ay ku ag beeraab darbi shabaq ah si uu u fuulo uguna boxo, badanaa qajaarku wuxuu u abuuranyahay qaab dhululobo ah oo dul jiifa dhulka xabad xabad, midab cagaar iyo cadaan isugu jira leh, waxaa la goostaa miraha qajaarka wax mar ka badan sanadkiiba, wuxuu sugnaan karaa 80-100 maalin, asalka qajaarka ayaa ka soo jeeda koonfur bari aasiyahase yeeshee wuxuu ku faafay dunida, waxaa la cunaa markii la kariyo, soomaalida ayaa ku darsata suugada, mar marna waxay ku darsadaan saladhka isagoon la karin, geedkaan ayaa ku baxa cimilo diirran ee ku haboon bixidiisa,