Khaalid bin Waliid
From Wikipedia, the free encyclopedia
Abuu Suleymaan Khaalid bin Waliid bin Mugiira Al-Makhzuumi waxa uu ahaa dagaalyahaan iyo hogaamiya islaami ah oo ka mid ahaa asxaabta, Nabiga scw ayaa Ayaa ku naanaysay ("Sayfulaahi Almasluul" yacni seeftii ilaahay ee la siibay) khaalid ayaa ka qeyb qaatay Dagaalkii Mu'tata iyo Furashada Makka, xiligii labada khaliif Abuu Bakar iyo Cumar wuxuu Khaalid ku hogaamiyay ciidanka muslimiinta Dagaaladii Ridada ee ka dhanka ahaa qabiilada Carabta iyo Furashooyinka Shaam iyo Ciraaq oo guulo uga horseeday.
Wuxuu ahaa Khaalid geesi caana ah oo aanuu wadnihiisu galawda aqoon. Waxa uuna galay in ka badan boqol dagaal marna lama jabin. Taatikooyinka cusub uu adeegsan jiray dagaaladiisa waxey ahayd mida ka dambeesay guulihiisa. Maanta Khaalid waxaa lagu tiriyaa dagaalyahaanadii ugu fiicnaa ee taariikhda soo marta
Khaalid bin waliidd خالد بن الوليد | |
Saxaabi | |
---|---|
xog ku saabsan | |
Aabihiisa: | Waliid bin Mugiira |
Hooyadii | Lubaaba yareey |
Dhashay: | 592 |
Ku dhashay: | Makka |
Diintiisa: | Islaam |
Xaaska | Asma binti Anas |
ilmahiisa | Cabdiraxmaan, Muhaajir, Suleymaan |
Walaalihiis | Waliid bin Waliid, Hishaam bin Waliid, Camaara bin Waliid |
Dhintay: | 642 |
Ku dhintay: | Ximsa |
Khaalid wuxuu ku dhashay Makka waxa uuna ku dhintay Ximsa 21H