Jadwalka Curiyayaasha
From Wikipedia, the free encyclopedia
Jadwalka Curiyayaasha ama Kaltanka Curiyayaasha waa jadwal ama baddhig ka hadla curiyeyaasha kiimikada ah ee la yaqaan, inkastoo ay jadwallo kan ka horeeyay ay jiraan hadana jadwalkaan waxaa waxaa loo tiiriyaa inuu kiimikiistihii ruushka ahaa Dmitri Mendeleev sandkii 1869 ayuu u habeeyay hadba sida ay isu leeyihiin unugyada wareegooda iyo sida ay u falgalaan. ka dib 1911 henry mozili habaynta curiyeyaasha hadba tirada unugyada uu ka samaysanyahay, ama tirada barootoonada ku jira curiye walba, waayo markii la joogaba waxbaa laga badali jiray iyadoo lagu daray curiyeyaal la ogaaday oon awal ka mid ahayn, sida loogu kordhiyay tusaaleyaal aragtiyeed oo sharax siinaya qaababka iyo siyaha ay u shaqeeyaan curiyeyaasha kiimikada ah.
Jadwalka curiyeyaasha ayaa noqoday waqtigaan mid looga tiirsanyahay dhamaan iskoolada iyo goobaha kiimikada khuseeya, isagoo sahlay shaqada iyo ogaashah ama is barbar dhiga waxyaabah ay la gaarka yihiin curiyeyaasha kiimikada,
Jadwalka curiyeyaasha ayaa leh fulinno fara badan oo kala duwan dhinaca kiimikada, fiisikiska, cilmiga noolaha iyo dhismaha waliba dhismaha kiimikada.