Astaanta Qaranka Somaliland
From Wikipedia, the free encyclopedia
Astaannta somaliland waxaa la abaabulay May 1991kii,. waxaa sameeyay oo hindisay Siyaasi Abdullahi Abdi Omar (Jawaan) waxa ay ka koobantahay :- 1) Bismilaah Al-Raxman Al-Raxiim oo Macnaheedu yahay Waxaan Ku bilaabaynaa Magaca ilaahay Kaasoo ah Naxariiste.
Astaanta qaranka Somaliland | |
---|---|
Versions | |
Habka | |
Isticmaala | Somaliland |
La ansixiyey | October 14, 1996 |
Dahaadhka | Bismillah |
2) Allahu Akbar oo Macnaheedu yahay Alle ayaa Weyn oo muujinaysa In shacabka Somaliland ay Yihiin dad Islaam ah.
3) Miisaan Laba Kafadood oo isleeg oo siman ay ka laalaadaan taas oo u taagan cadaalada iyo Sinaanta.
4) Shimbirka loo yaqaan Galaydh ama Baas Kaas oo u taagan Nabadda iyo Amniga.
5) Laba Gacmod oo is-salaamaaya oo u taagan iskaashiga iyo Wax wada-Qabsiga.
6) Laba Caleemood oo gunta hoose kasoo bilaabmaya oo ku gadaaman dhamaan Qaybaha kale ee Astaanta Waxaanay utaagan yihiin Nabaatka iyo Barwaaqada Deegaanka.