Andalus
From Wikipedia, the free encyclopedia
Andalus (afcarabi: الأنْدَلُس ingiriis: al-andaluus, loona yaqaanay aybeeria waa gobol ilbaxii muslimiinta laga taagay yurubta galbeed gaar ahaan hada dhulka loo yaqaan spain iyo Burtuqaal, waqtigii andalus ugu awooda badnayd waa qarnigii sideedaad ee miilaadiga, way balaaratay ilaa ay gaartay koofurta faransa, ereyga andalus waxaa loo yaqaan dhulkii khilaafada islaamku qabsatay, iyo dhulkii is-maamulada gadaal ka noqday ee ka go,ay awoodii dhexe ee dawladii khilaafadii alumawiya sanadku markuu ahaa 132-913 hijri ku beegan 711-1492 miilaadi markay andalus ku dhacday gacantii reer yurub muslimiintina laga saaray, iyadoo ay jirto in xuduuda andalus marba ay si isku badalaysay. marna ay yaraanaysay marna weynaanaysay. taasoo loo tiirinayo dagaaladii muslinka iyo gaalada dhex marayay, oo guushu marba dhinac jirtay. Shan baa loo qaybiyay andalus furashadii muslimiinta ka dib markay ku sugnaatay xukunkii islaamka, qaybahaas oo kala ahaa:
Andalusia, Burtghal, Gaaliisiya, Qashtaala, Aragoon, Liyoon. Barshilona iyo istimaaniya, markii hore wayay ahayd hal gobol oo hoos yimaada Al-waliid bin cabdil malik dowladii al-umawiyah, maraky dowladii umawiya dhacday dowladii cabaasiyana timid Andalus waxaa la gaar noqday Cabdi raxmaan Al-Daakhil oo ka mid ah dowladii umawiya kana soo cararay Cabaasiyiintii, wuxuu ka aasaasay imaaradii Qurduba waxayna jirtay 179 sano, dabadeedna waxaa ku xigay cabdiraxmaan al naasir oo taagay dowlad uu ku magacaabay dowladii al-umawiya taasoo badal ka ahayd magcii imaarada qurduba sababo siyaasadeed awgeed, ka dib burburkeedii Andalus waxay u qaybsantay imaarado iyo dowlado ama maamulo yar yar oo ku caan baxay magaca Al-Dawaaif «الطوائف», waqtigaas ayaa noqday meel ay ku kulmeen dhaqanno kala duwan, muslimiin yuhuud iyo nasaaro dhinac ah iyo carab, barbar, quudiyiin iyo farenji dhinac, halkaas baa waxaa ka dhashay xadaarad horumar weyn samaysay, oo Andalus ka soocay gobolda kale ee islaamka, halka Manhaj ee loo noqonayay ayaa ahaa shareecada islaamka, Nasaarada iyo Yahuudana nabad ayay kula noolaayeen muslimiinta hoostooda, sharcigooda ayay isku xukumi jireen gunno (Jizyo) ayaa laga qaadi jiray, Andalus ayaa noqotay meel loo hanqal taago aqoonta iyo horumarka yaalay goor yurubta kale ay jahli, dibu dhac iyo mugdi ku jireen, magaalada Qurduba ayaa noqotay meelaha ugu fiican caalanmka xaga aqoonta iyo horumarka, xarunta cilmiga,iyo ilbaxnimada ee yurub iyo inta badda cad kulaasha ayay noqotay, iyadoo la tartamysay Baghdaad caasimadii dowlada cabaasiya iyo Qusdandiiniya caasimadii biisandiyiintii ruumaanka, culumo badan oo caan ahaa ayaa ka soo baxday sida imaam Al-qurdubi, ibni xazam iyo kuwa kale oo diinta taariikhda iyo tafaasiirta wax ka qoray, dhinaca sayniska, cilmi falaga, xisaabaha, qalliinka aad bay caan ugu ahayd andalus, axaana ka soo baxay rag ilaa hada lagu tiirsanyahay aqoontii ay keeneen.